Home Wararka Maanta Hubkii Dowlada Masar ka dajisay Muqdisho oo Xogo Dheer ah laga helay

Hubkii Dowlada Masar ka dajisay Muqdisho oo Xogo Dheer ah laga helay

0

Sida ay sheegeyso xog la isku halleyn karo oo laga helay ilo millatariga Soomaalida ah gaar ahaan qeybta u xil saaran fulinta heshiiska Masar iyo Soomaaliya ayaa xaqiiijiyay in diyaaradihii Masar ee garoonka Aadan Cadde ka degay dhamaadkii August ay wadeen, qalab ay ka mid ahaayeen:-

1-Shoulder Fired Anti-Tank Missiles (Gantaallada Lidka Taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyada. Tiradooda waxaa la iigu sheegay 141 (Boqol afartan iyo kow).

2-Most Advanced Anti-tank Mines (Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan) Tiradooda aad looma hubo, laakiin waxa ay iluhu ii xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500 (Kun iyo shan-boqol oo xabbo)

3- Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka. Laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo.

Iluhu waxay sheegeen inay waddada ku soo jiraan oo todobaadyada soo socda Muqdisho soo gaari doona:

1-Taangyada dagaalka. Lama sheegin noocooda iyo dowladda farsameysay. Tiradooda 21 xabbo.

2-Hubka Lidka Dayuuradaha oo casri ah, noocooda iyo dowladda farsameysay wali lama oga balse Tiradooda 90-110 ayaa lagu sheegay.

3- Diyaaradaha dagaalka oo isugu jira Crafts iyo Helicopters. Isku jir tiradooda waxaa la ii sheegay in ay noqon doonto ilaa 24  iyo qalab kale oo millatari.

Hubkan oo hordhac lagu sheegay, waxaa lagu wareejinayaa ciidamada Soomaaliya.

Ciidama Masar ee la filayo inay Soomaaliya yimaaddaan waxay tayeyn doonaan oo hub iyo qalabna siineyaan ciidamada Soomaaliya, iyadoo arrintan ku soo aadeyso xili ay cirka isku sii shareereyso xiisada Somalia iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here