Home Wararka Maanta Ilhan Omar oo guul ka gaartay Doorasho ka dhacday Dalka Mareykanka

Ilhan Omar oo guul ka gaartay Doorasho ka dhacday Dalka Mareykanka

0

Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay kana tirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka Ilhan Cumar , ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka.

Musharax Ilhan Cumar ayaa doorashada kursigan oo ahaa mid adag kaga guuleysatay Don Samuels oo isna katirsan xisbiga dimoqraadi ah., waxa ayna guushan ay gaartay Ilhan noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay ka adkaato doorashada ninkan oo kursiga kula tartamayay.

Guushan ay Ilhan Cumar ka gaartay doorashada hordhaca ah ayaa lagu tilmaamay guul weyn oo ay gaartay, waxaana codadkii doorashada ee la tiriyay Ilhan heshay  67,524 cod, oo u dhiganta in ka badan 56%, waxa ayna ka adkaatay saddex musharax oo tartan kula jiray.

Ilhan Cumar oo la hadashay warbaahinta guusheeda kaddib ayaa sheegtay in guul weyn u tahay iyada iyo taageerayaasheeda in mar kale tartanka ku guuleestaan, waxa ayna xustay intii ay rajeeneysay in ka badan ay ka gaartay doorashada.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaana doorashada kama dambeysta ah kursigan ay hadad ku fadhiso  ee  aqalka Koongareeska kula tartami doonta bisha November, musharax kale oo mataleya axisbiga ay sida weyn iskiu hayaan ee Jamhuuriga.

Ilhan Cumar ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, waxa ay  sidoo kale noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here