Hoggaamiyaha kooxda Ansar Allah (Xuutiyiinta) ee Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa sheegay in kooxdiisu u aragto joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato dhulka Somaliland uu yahay bartilmaameed militari, kaddib tallaabadii Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland.
Khudbad uu jeediyay fiidkii Axadda, oo lagu daabacay mareegta Al-Masirah ee ay maamusho kooxda Xuutiyiinta, ayuu Al-Xuutii ku sheegay in joogitaan militari oo Israa’iil ka samaysato Somaliland uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay awoodaan.
“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo militari oo Israa’iil ku yeelato dhulka Somaliland inuu yahay duullaan, sidaas darteedna uu noqonayo bartilmaameed militari,” ayuu yiri Al-Xuutii.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay dhammaan dalalka ku yaalla labada dhinac ee Badda Cas, iyo guud ahaan dunida Carabta iyo Islaamka, in ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo waxa uu ku tilmaamay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya.
Al-Xuutii ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay taageerayaan “shacabka Soomaaliyeed”, isagoo si cad u diiday in qayb ka mid ah Soomaaliya loo beddelo saldhig ama mooto-cag Israa’iil ku yeelato, taas oo uu sheegay inay khatar ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, amniga gobolka iyo Badda Cas.
Jimcihii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo dhalisay cambaarayn ballaaran oo Carbeed, Afrikaan iyo mid caalami ah.
Masar, Sacuudi Carabiya, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Turkiga, Midowga Yurub, Imaaraadka Carabta, Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood si adag u cambaareeyay go’aankaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil, isagoo ku eedeeyay Netanyahu inuu doonayo inuu qalalaase iyo colaado Bariga Dhexe ka jira u soo raro Soomaaliya, taas oo khatar ku ah midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida dalka.








