Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa si kulul uga digay xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Koonfur Galbeed, isagoo fariin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Ex Twitter) ku sheegay, weerar kasta oo lagu qaado Baydhabo ama deegaanada Koonfur Galbeed in uu la kulmi doono jawaab adag, isagoo xusay in maamulkiisu diyaar u yahay ilaalinta dhulka, dadka, iyo xasilloonida dhulkiisa.
Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka faa’iideysto waqtiga ka haray xilkiisa si loo ilaaliyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaato hubinta in doorashooyin lagu kalsoonaan karo ay dalka ka dhacaan.
Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa horey uga digay in xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan  Koonfur Galbeed ay halis u tahay inay isu beddesho dagaal sokeye iyo musiibo bani’aadamnimo.
War-saxaafadeed shalay kasoo baxay maamulkiisa ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay u muuqdaan kuwo militari ah oo si toos ah uga dhan ah Koonfur Galbeed.
Afhayeenka Koonfur Galbeed. Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida loo adeegsanayo dano siyaasadeed, halkii Dowladdu ay diiradda saari lahayd dagaalk kooxda Al-Shabaab.








