Home Wararka Somaliya Puntland Maamulka Puntland oo Go,aan lama filaan ah ka Qaatay xildhibaanada Ku Mata...

Maamulka Puntland oo Go,aan lama filaan ah ka Qaatay xildhibaanada Ku Mata Dowlada Federalka Soomaaliya

0

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu si cad u sheegay in wax xasaanad ah aysan lahayn xildhibaannnadaas, maadaama buu yiri dafireen Puntland.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn, haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” ayuu yiri WasiirMaxamuud Caydiid Dirir.

Hadalkan ayaa jawaab ah hadal horay uga soo yeeray qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo iyagu sheegay inay maamulka Garoowe ku metalaan dowladda dhexe, ayna kala xaajoonayaan danaha iyo horumarka maamulkaasi.

Go’aankan cusub ee kasoo baxay Puntland ayaa muujinaya heerka uu le’eg yahay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Horay Puntland ayaa ugu dhawaaqday inay gebi ahaan kalsoondii kala noqotay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddealka dastuurka KMG ah ee lagu dhaqaaqay.

Previous articleMaamulka Khaatuma oo Ka Xumaaday in laga reebay Casuumaadii xalay
Next articleCaro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah “ku qasbay inay laabta galiso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here