Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo ka hadlay Eedeymo uga yimid Qaramada Midoobay

Maamulka Puntland oo ka hadlay Eedeymo uga yimid Qaramada Midoobay

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa beenisay eedeyn  uga timid Qaramada modoobay oo ahayd Dad dhawaan lagu Toogtay Fagaare ku yaala Waqooyiga  Magaalada Gaalkacro oo Maxkamad ay xukyntay ay ku jireen Dhalinyaro sida ay sheegtay hay’adda caruurta Qaramada Midoobey ee UNICEF.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.

“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Ceydiid.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.

“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.

“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaacaddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddii ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaan oo loo ogolaaday oo fursad la siiyay,” ayuu yiri  Wasiir Maxamuud  Ceydiid Dirir.

17-kii bishii Agoosto ayay ahayd  markii xukun dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Puntland in lagu helay in ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug ku lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here