Home Wararka Maanta Madaxda Sirdoorka ee Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ka hadlay Xaalada Amaanka

Madaxda Sirdoorka ee Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ka hadlay Xaalada Amaanka

0

Agaasimaha Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Xaaji ayaa booqasho rasmi ah ku tegey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Agaasime Nuuradiin Xaaji ayaa halkaasi kula kulmay dhiggiisa agaasimaha sirdoonka Itoobiya, Redwan Hussain waxaana la sheega in ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay ka wada-xaajoodeen xoojinta amniga xadka labada dal iyo sidii ay wadajir uga jawaabi lahaayeen dhaqdhaqaaq ka soo cusboonaday xadka.

Xadka labada dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay falal amniga lid ku ah ka geysanayaan dagaalyahannada kooxda Shene ee loogu yeero ciidanka xoraynta Oromada oo ay Itoobiya horey liiska argagixisada ugu dartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here