Home Wararka Maanta Madaxweyne Cirro oo bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, eedeynna u jeediyay dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro oo bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, eedeynna u jeediyay dowladda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Somaliland ayaa bogaadiyay hadalkii uu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, garab istaaga ugu muujiyay Somaliland, isaga oo dhanka kale dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo soo dhaweeyay hadalka Rooble, ayaa yidhi: “Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garawsaday in Somaliland wax weyn qabsatay, xaqna u leedahay madaxbannaanideeda, oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaarihii hore Rooble.”

Waxa uu sheegay in taa beddelkeeda ay jiraan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka xun horumarka Somaliland iyo in la aqoonsado, isaga oo ugu baaqay inay ku daydaan siyaasiyiinta Somaliland wanaagga la jecel. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland hore u soconayso oo cid joojin karta aanay jirin.

“Bahalka waraabaha la yidhaahdo ayay Soomaalidu tidhaahdaa ula lala gaadhi waa, afxumana waxba lagaga tari waa, markaa Somaliland waxba yeeli maysaan. Somaliland way soconaysaa, meesha ay u socotana way gaadhaysaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland nabad jeceshahay, rabtana inay dariskeeda nabad kula noolaato, laakiin ay diyaar u tahay inay dhulkeeda difaacdo. Waxa kale oo uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay reer Somaliland yihiin, gobollada Sool iyo Sanaagna ay Somaliland ka mid yihiin.

“Difaaca dalku gorgortan gali maayo, Somaliland-na waa la yaqaannaa, xuduudaheedana waa la yaqaannaa. Soomaaliya faragelinta qaawan ee ay ka waddo bariga Sool si weyn ayaannu u cambaaraynaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku hawlantahay hagardaamada Somaliland, isaga oo sheegay inuu ka xun yahay sida ay dowladda Soomaaliya u wajahday arrimaha Somaliland.