Home Wararka Caalamka Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay Dilka Ismaaciil Haniya iyo saameynta ka...

Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay Dilka Ismaaciil Haniya iyo saameynta ka dhalan karta

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa si dadban uga hadlay  dilka magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geestay hoggaamiyihii ururka  Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaa oo dilkiisa si weyn ugu farxeen Yahuuda Israa’iil.

Joi Biden ayaa sheegay in dilka hogaamiyihii kooxda Xamaas aysan saameyn ku yeelaneyn dedaalada socda iyo wadahadallada xabbad-joojinta ee la doonayo in laga gaaro dagaalka xooggan ee ka socda magaalada Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda kasii kordheysa Bariga Dhexe, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in la sameeyo xal kasta oo colaada lagu joojin karo laguna heli karo xabbad-joojin.

Dilka loo geestay hoggaamiyihii ururka Xamaas ayaa uga dartay xiisada ka taagan magaalada Gaza, waxaana laga cabsi qabaa in dilkaasi jawaab celino xooggan ka bixiyaan dowladda Iran oo dalkeeda ka dhacay dilkan lagu eedeeyay Israa’iil iyo sidoo kale kooxda Xamaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here