Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh oo Beesha Murursade kula kulmay Magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Beesha Murursade kula kulmay Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Siyaasiyiin, Waxgarad, Haween Saraakiil iyo aqoonyahano ka tirsan Beesha Murusade.

Kulankan oo ahaa mid  balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa looga hadlay sidii beeshu u xoojin lahneyd kaalinta kaga aadan dib u dhiska dalka iyo hanaanka dowlad dhiska Somalia.

Xubnaha beesha ayaa soo dhaweeyay dadaallada Madaxweynaha, iyagoo ballan qaaday in ay Madaxweynaha garab ku siinayaan dadaal kasta oo Al shabaab dalka looga xureynayo.

Waxgaradka beesha ayaa si gaar ah ugu riyaaqay hirgalinta qorsha doorashada qof iyo cod ee Madaxweynuhu ballan qaaday, waxAyna sheegeen in ay ku dhibanaayeen qaar badan oo ku matala maanta goleyaasha Baarlamaanka oo dadka  iyo Beeshaba aan wax dan ah u heynin, nidaamka doorasho ee ku dhisan qofka iyo codkana uu fursad u siin lahaa inay soo doortaan kuwo si dhab ah u matala dagaanadii laga soo doortay.

Waxyaabaha kale ee diirada lagu saaray kulankaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa sidii Al shabaab looga xoreyn lahaa degaanadu beeshu degto ee gobolka Galgaduud, si shacabka degaanadaas ku dhaqan loo gaarsiiyo adeegyada dowladnimo ee ay baahida weyn u qabaan.

Xubnaha Beesha Murusade ee ka qeyb galay kulankaas iyo Madaxweynaha ayaa isku raacay in dib loo bilaabo howlgal lagu xoreynayo degaanada beeshaas kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan Macawisley ka tirsan beesha oo haatan diyaar ah, tiro ahaana gaaraya illaa 600 oo nin, iyagoo gacan ka helaya ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ku amaanay beesha Murusade kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jiraan nabadeynta dalka horumarka iyo hanaanka dowladnimo, isagoo sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay iney wax kasta u hurto sidii dalka looga xoreyn lahaa Al shabaab, waxaana kulankaas uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad oo aad u wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here