Home Wararka Maanta Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Caasimada Rwanda ee Kigali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Caasimada Rwanda ee Kigali

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray Magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Kigali ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Rwanda

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Xassan shiikh ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona madaxweyne Kagame iyo madaxda kale ee lagu casuumay ka qeyb galka munaasabada caleemo saarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here