Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday masuulkii u horeeyay oo isku diiwaan geliya si u qaato kaarka cod bixiyeyaasha, waxaana degmadii ugu horeysay oo lagu daahfuro is diiwaan galinta noqotay degmada Shangaani.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka magaalada Muqdisho iney is diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaararka cod bixiyaasha.
Is diiwaan galinta maanta ka bilaabatay degmada Shangaani ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne aad u farabadan oo isaga kala yimid xaafadaha degmadaas, kuwaas oo safaf dhaadheer u galay si ay isku diiwaan galiyaan.
Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo socda martigelin doonaan is diiwaangalinta oo soconaysa ilaa laga gaaro maalinta cod bixinta doorashada, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada qaranka.
Si kastaba ha ahaatee sida ku cad xeerarka doorashada waxaa la qorsheynayaa iney doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan Banaadir, SSC Khaatumo, Hirshabeelle, Koofurgalbeed iyo Galmudug, waxaana xusid mudan in maamulka Jubbaland oo billowgii heshiisyadan qeyb ka ahaa uu goor dambe ka baxay heshiisyadan, kadib khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashada iyo hanaankeeda.
Ugu dambeyntii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan ku celcelisay iney ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ay kasoo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.