Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyayaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle ayaa caawa ku dhawaaqay inay iska casileen xubinnimada Madasha Samatabixinta.
Sida aan xogta ku helnay, siyaasiyiintan ayaa mowqifkooda ku shaaciyay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Madasha Samatabixinta, iyagoo caddeeyay inay furanayaan xisbiyo siyaasadeed.
Sidoo kale, masuuliyiinta ka baxay Madasha ayaa horay loogu xamanayey inay si hoose heshiis ula gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh. Tuhunkaas ayaa sii xoogeysanayay intii ay socdeen kulamadii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyada dhex marayay madaxda dowladda federaalka iyo Madasha Samatabixinta.
Is-casilaadda siyaasiyiintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo maanta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka uu shaaciyay inuu muddo labo todobaad ah dib u furay is-diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha.
Kala tagga mucaaradka ayaa muujinaya sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga guuleystay xubnihii hore u lahaa culayska siyaasadeed, isla markaana uu ku guuleystay inuu kala furfuro mucaaradka. Kala-jabka mucaaradka ayaa sidoo kale dhiirigelinaya qorshaha Xasan Sheekh ee hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, maadaama siyaasiyiintan ay ku biireen safka ururrada diyaar-garoobaya doorashada.
Khilaafka ka dhex aloosan mucaaradka, oo hadda laba garab kala noqday ayaa fursad u ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.
Todobaadkii hore ayaa waxaa dhacay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Kulankaas ayaa looga tashaday qaab-dhismeedka cusub ee Madasha Samatabixinta, si ay ula qabsadaan isbeddelka ka dhashay burburkii wada-hadallada ay kula jireen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif, Khayre, Rooble iyo Warsame ayaa isla soo qaaday qorshe cusub oo ah dhisidda midow musharraxiin, si awoodda mucaaradka loogu mideeyo hal meel, maadaama xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii xoogeysaneyso.
Dhanka kale, maanta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa soo saaray go’aan culus, iyagoo muddo kooban dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda, kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen dhammaan xubnaha guddiga iyo guddoonka. Sababta arrintan ayaa lagu sheegay in fursad la siiyo ururrada cusub ee isdiiwaangelinaya.
Mucaaradka ayaa dhawaan waxaa dhex maray kala shaki weyn, kadib markii ay ku heshiin waayeen war-saxaafadeedkii ay ka soo saareen burburkii wada-hadallada ay la galeen Madaxweyne Xasan Sheekh. Taasi ayaa sababtay in mucaaradka qaarkood ay haatan la yimaadaan qorshe cusub oo ay ku dhisayaan midow musharraxiin oo hor leh.