Home Wararka Somaliya Galmudug Mahad Salaad oo Gaaray Dhuusamareeb

Mahad Salaad oo Gaaray Dhuusamareeb

0

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo gaar gaar ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Mudug24 u sheegay in Mahad Salaad uu xalay ku hoyday caasimada Gamudug ee Dhuusamareeb, isla-markaana uu kulan la yeeshay madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Axmed Cabdi Kaariye,

Labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Mahad Salaad ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Galmudug, waana halkii lagu soo doortay markii uu ahaa xildhibaanka, kahor inta aan loo magacaabin Hay’adda Nabad-Sugidda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in socdaalka uu taliyaha NISA ku gaaray Dhuusamareeb uu hordhac u yahy safar la filayo in maalmaha soo socda uu halkaas ku gaaro madaxweyne Xasan Sheekh oo la socon doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ammaanka magaaladan ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo la geeyay ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Nabad-Sugid iyo milatari, si ay u sugaan amniga madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu muddo ku sugnaan doono Galmudug, si uu halkaas uga hoggaaminayo howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada Dhexe.

Ujeedka ayaa ah in Al-Shabaab laga saaro Galmudug iyo HirShabelle, kadibna loo jiheysto Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxdu.

Previous articleMaxaad ka taqaanaa gabadha Soomaaliya ku mataleysa tartanka orodka ee Shiinaha ka dhacay?
Next articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xiliga Dootashada Puntland Dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here