Home Wararka Maanta Mareykanka oo Dowlada iyo Shacabka Somaliya ku Amaanay Dagaalka Shabaab

Mareykanka oo Dowlada iyo Shacabka Somaliya ku Amaanay Dagaalka Shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaallada ay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladood ay ugu jiraan la dagaallanka argagixisada iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo ah, iyadoo xaqiijisay inay ka go’an tahay sii wadida ka shaqeynta arrimaha khuseeya labada dal.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka saaka Talaada ah, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, wuxuu ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 65-aad ee maalinta qaranimada dalka.

Rubio ayaa sheegay in Mareykanka uu rajaynayo xoojinta xiriirka ay Dowladiisa la wadaagto Soomaaliya, iyadoo la iska kaashanayo dhinacyada kobaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka xagjirnimada.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan bogaadineynaa dadaalka ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan la dagaallanka argagixisada iyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbal horumar leh”, isagoo xusay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii wadida ka shaqeynta arrimaha khuseeya labada dal.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta Duqeymaha dhanka Cirka ah ee ka dhanka ah Kooxdaha Al shabaab iyo Daacish iyo tababarada Ciidamada Danab.
Rubio ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay isagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay farxad ku ciidaan munaasabaddan qaran.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay.