Home Wararka Maanta Maxay Tahay Sababta Uu Sanbaloolshe u Xiray Wariye Xuseen Cabdille?

Maxay Tahay Sababta Uu Sanbaloolshe u Xiray Wariye Xuseen Cabdille?

0

Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu kaga warbixinayo xarig ay u geysatay hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qoraalkaan intiisa badan wuxuu ku soo bandhigay magacyada masuuliyiin ka qeyb qaatay siideyntiisa, isagoo sheegay inuu xiraa muddo 24-saac ah.

Sidoo kale, Weriye Xuseen Cabdulle wuxuu soo bandhigay wadahadal kooban oo dhex maray isaga iyo Agaasimaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe, ka hor inta aan la xirin.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo wada jeeda beesha Abgaal ayuu sheegay inay ka qeyb qaateen soo deyntiisa, isagoo balan-qaaday in uusan aamusi doonin oo xaqiiqada uu soo tebi doono.

Xuseen Cabdulle ayaa ka mid ah Weriyaasha ugu caansan magaalada Muqdisho, wuxuu leeyahay warbaahin gaar ah, wuxuuna soo tebiyaa dhacdooyinka xasaasiga ah ee dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Xuseen:

MAHADCELIN

Axmdlh waan helay Xorriyadeyda, kadib 24 saac oo aan afduubnaa!

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo amarkiisa leygu daayay, Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh, Xildhibaan Xasan Cabdinuur, Xildhibaan Macalimuu, Sheekh Soomow iyo dhamaan madaxdii ka qeyb qaadatay in aan Xorriyadeyda helo.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa waalid, walaal, ehel iyo asxaabta saxaafadda oo dedaal badan ku bixiyay in aan Xorriyadeyda helo la’aantoodna aysan waxba suurta geli laheyn.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee isoo wacay waxaan ka raali gelinayaa in aanan u wada jawaabi karin, waana uga mahadcelinayaa niyad wanaagooda iyo garab istaagooda, laakiin qof kasta halkaan ayaa uga mahadcelinayaa 100%

Anigoo tixgelinaya codsiga dadkii isoo daayay waxaan hadalkeyga ku soo koobayaa “Saxaafadda Soomaaliya waxay saaran tahay gaari BUS ah oo Miineysan, rimoodkii lagu qarxin lahaana uu gacanta ku haayo nin kale!”

Previous articleCaro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah “ku qasbay inay laabta galiso”
Next articleFaahfaahin Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here