Home Wararka Maanta Maxkamadda ciidamada oo la wareegtay kiiska musuqa ee ciidanka Danab

Maxkamadda ciidamada oo la wareegtay kiiska musuqa ee ciidanka Danab

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si faah-faahsan uga hadlay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, isla markaana jirto in la leexday raashinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo uu qiray in loo iib geeyay suuqyada waa wayn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howsha ay hadda la wareegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayna socoto baaristii u dambeysay ee kiiskan xasaasiga ah.

“Hadda howsha waxaa gacanta ku haya hay’adihii loogu talagalay sida Garsoorka, oo au ugu horreysi Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waa lagu wargeliyay shaqadaasna hadeer meel fiican ayay mareysaa mar dhowna waxaan rajeyneynaa in baarista ay soo dhamaato, maxkamaddana ay natiijada la wadaagto shacabka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladd Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado Maxkamadda Ciidamada.

Previous articleAlshabaab oo Laga Saaray Deegaanadii ay Shalay Qabsadeen
Next articleMadaxweynayaasha Soomaaliya iyo Tanazania oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here