Midowga Yurub (EU) ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u shaaciyo maalgelin cusub oo uu siinayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) horraanta sanadka 2026, kaddib hakad socday laba sano oo ku saabsanaa taageerada dhaqaale ee tooska ah, sida ay muujinayaan dukumiintiyo iyo ilo diblomaasiyadeed oo xiriir la leh Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican in Brussels ay weli ka go’an tahay sii wadista taageerada hawlgalka Soomaaliya, balse faahfaahinta xirmada maalgelinta oo ay ku jiraan qadarka, muddada iyo habka lacag-bixinta la shaacin doono marka ay heshiis ka gaaraan dhammaan 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.
newsinside“Waxaa naga go’an inaan hubinno sii socoshada taageerada Midowga Yurub, Qaabka saxda ah ee taageerada waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka xirmada maalgelinta la dhammeystiro,” ayuu yiri afhayeenku.
Dukumiintiyo lagu qaybiyay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaya in ku dhawaaqista la filayo horraanta 2026, arrin si weyn loogu fasiray inay calaamad u tahay in Midowga Yurub dib u soo ceshan karo kaalintiisii ahaa maalgeliyaha ugu weyn ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Hawlgalka AUSSOM ayaa wajahaya culays dhaqaale oo isa soo taraya kaddib markii Midowga Yurub uusan wax taageero toos ah siin hawlgallada sanadka 2025.
Xaaladdaas ayaa uga sii dartay diidmo hore oo Mareykanku ka muujiyay hirgelinta nidaamka maalgelinta ee ku saleysan tabarucaadka qasabka ah ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2719.
Qaraarkaasi, oo la ansixiyay 2023, ayaa ujeedkiisu ahaa in Qaramada Midoobay ay daboosho 75 boqolkiiba miisaaniyadda shanta sano ee AUSSOM oo lagu qiyaasay $832.5 milyan, si loo helo hannaan maalgelin oo la saadaalin karo isla markaana waara.








