Home Wararka Maanta Muxuu ahaa howlgalka Cajiibka ah ee Maraykanku ka Fuliyay Buulaburte

Muxuu ahaa howlgalka Cajiibka ah ee Maraykanku ka Fuliyay Buulaburte

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku soo bandhigtay khasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyey duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka.

Warka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab shalay, 20-kii Febraayo 2025.

“Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in iyadoo garabsanaysa shacabkeeda ay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysadowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ahwaxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar balaaran ku qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana u suurtagashay inay galaan dhowr deegaan, iyadoo deegaanka Cali Axmed si weyn loogu laayey.

Dowladda ayaa shalay sheegtay in dagaaladii dhacay Al-Shabaab looga dilay in ka badan 130 dagaalame, iyadoo maanta lasoo bandhigay meydad tira beel ah oo daadsan daafaha deegaanka Cali Axmed, halkaas oo ciidamada deegaanka ay si adag uga dagaalameen.