Dowlada Norway ayaa badashey sharciga Wadooyinka loogu xiro Camerada Xawaaraha iyadoo bilowday in Wadooyin badan lagu xiro Cameradaha nuuca Xawaaraha Quseeya.
Maamulka Wadooyinka Norway ayaa warbaahinta u sheegay in Arintan looga danleeyahay sidii loo kordhin lahaa badbaadaha wadooyinka Dalka.
Sharciga hore ayaa dhigayay in wadada lagu xiro Speed Camera marka uu halkaasi ka dhaco shil uu qof ku dhaawacmay lakin Maamulka ayaa hada sheegay in taasi loo baahneed isla markana si toos ah loogu xirayo wado walbo.
Wadooyinka lagu xiridoono camerada ayaa loo eegidoonaa inta darawal ee kordhiyay xawaaraha wadada tusaale boqolkiiba 20%.