Home Wararka Maanta P.M Xamza oo go’aan culus ka soo saaray doorashada xigta

P.M Xamza oo go’aan culus ka soo saaray doorashada xigta

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaluya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynuhu ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in markale dib loogu laabto Teendhada Afisyoone oo lagu qabtay doorashooyinkii horay uga dhacay dalka.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in xukuumadiisa ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Previous articleDiyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay oo bur burtay iyo khasaaro ka dhashay
Next articleFahad Yasin oo Weerar Afka ah Ku qaaday Raysulwasaare Xamse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here