Home Wararka Caalamka Pakistan oo Dhoor Diyaaradood kasoo riday India

Pakistan oo Dhoor Diyaaradood kasoo riday India

0
Photo/Reuters

Pakistan waxay soo riday labo diyaaradood oo kuwa dagaalka Hindiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo xiganaysa ilo milatari oo ka tirsan Pakistan.

Tani waxay noqon karta jawaabta Pakistan. Sannadkii 2019 sidan oo kale markii Hindiya ay duqeysay Pakistan , waxay milatariga Hindiya soo rideen diyaarad dagaal oo ay lahaayeen ciidanka Hindiya , markaa oo ay qabteen duuliyihii waday.

Hindiya ayaa caawa weerartay gantaalo iyo dayuurado dagaal ku weerartay gudaha Pakistan, waxayna gantaallada ku dhaceen saddex bartilmaameed oo ku yaalla gobolka Punjab ee dalka Pakistan, gaar ahaan xarumo kooxda Jaish-e-Mohammad ay ku lahayd gobolkaas.

Waxay Hindiya sheegtay in goobaha ay beegsatay adeegsan jireen kooxo argagixiso ah, halka Pakistan ay ku hanjabtay inay ka jawaabi doonto weerarkan oo la sheegay labo qof oo ilmo yar uu ku jiro inay ku dhinteen.

Afhayeenka Milatariga Pakistaan oo hadlay waxa uu sheegayaa in weerarradan Hindiya ay ku beegsatay labo masjid, dhankoodana ay jawaab kulul oo dhul iyo cir ah ka bixi doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Warar hadda soo dhacayna waxa ay sheegayaan in madaafiic culus la isku dhaafsanayo xadka labada dal ee gobolka kashmir sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.