Home Wararka Maanta Qodobada Muhiimka ah ee ku jira Heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia &...

Qodobada Muhiimka ah ee ku jira Heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Masar

0

Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaad bil heshiis socday diyaarintiisa oo la xiriira difaaca iyo amniga la saxiixatay dalka Masar, kaaso dhabbaha u xaari doona iskaashi dhow oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha difaaca iyo amniga ee  labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan, oo hoggaaminaya wafdi sare oo uu ka mid yahay Wasiirka difaaca iyo taliyaha nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa shalay ku tagay Qaahira booqasho rasmi ah, waxaa wafdiga saaka ku biiray Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka yimid Ankara, waxaana maanta qabsoomay kulanka Madaxweyne Xasan iyo dhiggiisa Masar, Cabdulfataax Al-Sisi oo shir jaraa’id ku xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo ka hor hadalkooda wasiirrada difaaca ee labada dal ay qalinka ku duugeen heshiis difaaca iyo amni ee Soomaaliya iyo Masar.

Dawladda Soomaaliya ayaa qaaday olole diblomaasiyadeed oo ay uga jawaabayso heshiiskii Jannaayo ee Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, kaasoo ay ku dhigneyd inay Itoobiya saldhig ciidan ka hesho biyaha gacanka cadmeed, oo ay ku beddelanayso Somaliland aqoonsi madax bannaan oo ay ku dhawaaqdo Addis Ababa.

Dadaallada diblomaasiyadda ee Soomaaliya ma ahayn kaliya mid lagu raadinayay difaac, sidoo kale waxaa ka soo muuqatay istiraatijiyad looga faa’iideysanayo fursadaha, sababtoo ah heshiiska Masar oo ah cadow taariikhi ah oo khibrad u leh dooddaha is-haysiga ee Itoobiya, ayaa noqday midkii ugu sarreeyay, kaddib iskaashigii militari ee Soomaaliya kula jirtay midowgii burburay ee Soofiyeetka xilligii dawladdii dhexe.

Heshiiskan oo aan laga soo bandhigin qodobbada ku jira, ayaa wali qeyb ka ahaan waxaa ku socota cilmi baaris iyo diyaarin, sida ay sheegeen ilo wareedyo la socday qorshaha diyaarinta heshiiskan oo awood u siinaya Masar inay saldhigyo ciidan ka hesho gudaha Soomaaliya, halka ay labada dal ka faa’iideysanayaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya oo ay Muqdisho ku doonayso in howlgalka cusub ay door weyn ku yeeshaan ciidan ka imaanaya dalka Masar, laakiin ma aha heshiiska maanta mid kaliya taa mudnaan siinaya, balse sida loo diyaariyay iskaashigan ciidanka Masar waxay yeelanayaan muuqaalka ciidanka labaad ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa sidoo kale awood siinaya ciidanka Soomaaliya oo Masar ka helaya tababaro iyo qalabeyn, waxayna si wadajir ah u fulinayaan howlgallo wadajir ah marka loo baahan yahay, iyadoo markaa ciidanka Masaarida ay la howlgallayaan taliska guud ee ciidanka, mid ka mid ah arrimaha ay labada dal daneynayaan oo heshiiskan uu muhiimad gaar ah siinayo ayaa ah saldhig ciidanka cirka ah iyo saldhigyo laga hirgelinayo deegaannada xadduudka ku yaalla. Masar ayaa markaa si dhammeystiran u qalabeynaysa saldhigyadaa, kuwaasoo heshiiska uu siiyay sawirka ah in Masar ay salka u dhigto saldhigyada militariga mustaqbalka ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa taageerro ka helay qaar ka mid ah dalalka Carabta oo uu Sacuudiga ugu horreeyo, tan oo la sheegay inay ku timid ololaha diblomaasiyadda ee Soomaaliya ay ku raadinaysay taageerro dhammeystiran, sidoo kale Turkiga oo ku leh Soomaaliya joogitaanka militari ee ugu sarreeya ayaan dhibaato ku qabin Masar inay ku yeelato Soomaaliya joogitaanka dhulka ee Ankara mid ka sarreeya, sida uu sheegay diblomaasi la socday horumarrada diblomaasiyadda ee ay dawladda ku dhaqaaday, si looga gaashaanto ficillada xad-gudubka iyo madax bannaanida dalka dhaawacaya, loona helo saaxiibbo xulufo dhab ah.

Tallaabooyinka la qaadayo waa kuwa ay Soomaaliya ku raadinayso isbeddel mustaqbalka ah, sababtoo ah ma jiro xulufo difaac oo ay leedahay Soomaaliya oo sidoo kale tobannaan sanno oo ay saarneyd cunaqabateynta hubka hoos u dhigtay inay hesho awood militari oo ku filan, dadaallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo reer galbeedka ay taageerrayeen muddadaas ma noqon mid u diyaariya Soomaaliya inay hesho hannaan difaac iyo amni oo gacanteeda ku jira kuna filan, xadduudaha illaa gobollada qaar oo aysan dawladda gacanta ku heyn ayaa ka dhigay nidaamka difaac iyo amni ee Soomaaliya mid daciif ah, iyadoo hadda uu Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi sheegay inay dalkiisa ka go’an tahay difaaca iyo ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya, haddana ma jirto si dhammeystiran weerarro dibadda ah ama iska horimaad toos ah oo ka imaan kara Itoobiya ama dal kale oo ciidanka Masar laga filayo inay jiidda hore u tagaan si ay u difaacaan Soomaaliya, waxay noqon karaan kuwa taageerrada ugu sarreeya bixiya. Balse, dhab ahaantii ma jirto surtagalnimo dhow oo ah dagaal ay Itoobiya ku soo qaadi karto Soomaaliya, laakiin nidaamka Ra’iisul wasaare Abiy, ayaa u tusay Soomaaliya sida ay u tahay “Keyg miis dushii saaran, taasoo kicisay in tallaabooyin deg deg ah ay qaado dawladda Federaalka ee u hoggaamiyo Madaxweyne Xasan oo ballaarisay raadinta taageerradeeda dibadda iyo inay hesho iskaashi difaac iyo amni oo ay la gasho dalalka leh nidaamka militari iyo warshadaha difaaca.

Soomaaliya ayaa  25kii sanno u dambeysay waxaa hoggaaminayay dawladdo ku meel-gaar ah illaa 10 sanno la hor oo kumeel-gaarka laga baxay , waxaa ku adkaaday inay dhaliyaan isbeddel dhab ah oo dalka ka saara xaaladda burburka ah, muddadaa dheer oo saddex Madaxweyne dalku yeeshay oo ay ku jirto labo xilli doorasho ee  Madaxweyne Xasan oo hadda xafiiska jooga, laguma gaarin qorshayaal waxtar ah oo dalka horey u kaxeeya, wali dalka wuxuuu ku tiirsan yahay dhaqaalaha iyo difaaca shisheeye, faragelinta shisheeyaha ayaana ka dhigtay nidaamka is xigay ee muddadaa dalka soo xukumay kuwa tir tira howlqabadka nidaamka ka horreeyay, haddana si quus ah looma oran karo isbeddelo ma dhicin oo waxaa jira horumaro gaabis ah.

Laakin si loo helo Soomaaliya awood leh oo yeelata muuqaal dal oo leh nidaam dhaqaale iyo difaac oo ku filan ayaa u baahan in laga gudbo arrimo ay ka mid yihiin caqabadaha u horreeya ee heshiiska maanta ee Qaahira uu la kulmayo, sida ; habka horumarinta ciidanka xoogga, sida loo xulayo ciidamo dheeraad ah oo loo baahan yahay sida heshiiskan qeybta ka ah iyo sawirka ay yeelanayaan, illaa heer taageerro intee la eg ayuu heshiiskan ka helaya dawlad-gobolleedyada dalka oo in u dhiganta saameynta  Villa Somalia ay ku leedahay qaarkood Addis Ababa-da soo muujisay inay doonayso xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya!

Dib u dhiska ciidanka iyo saldhigyada Masar muddo intee la eg ayay si firfircoon u shaqeynayaan haddii isbeddel doorasho uu dalka ka dhaco, iyadoo ay sare martay faragelinta iyo hardanka shisheeyaha ee gudaha Soomaaliya, kuwaaso ku kala tartamaya inay helaan hoggaamiyayaal daacad u ah , tan oo ah caqabada u sarreeya ee dal aan jirin oo daciif ah u muujisay Soomaaliya? Illaa intee laga fogeyn karaa musuq maasuqa iyo eexda heshiiska Qaahira illaa filasho kasta oo laga qabo isbeddel horey u dhaqaajiya Soomaaliya iyo midnimo guud oo siyaasiyiinta iyo Soomaalida dhexdeeda ah! Intaasi  waa xaqiiqooyinka meel eber ah u sawiraysa in la arko Soomaaliya maanta mid ka duwan oo la soo baxda muuqaal dawladeed oo la heer kan dowladaha kale ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here