Guddoomiyaha Xisbi siayasadeed Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee maamulka Galmudug.
Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa’id qabtay ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Sare, isaga oo sheegay in uu yahay tallaabo rajo cusub u abuureysa dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu hambalyo u diray taageerayaasha xisbiga, isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeyeen uu miro dhalay, isla markaana cabashooyinkii ay gudbiyeen ay Maxkamaddu tixgelisay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay go’aanka ku soo dhaweeyaan si nabad ah, isagoo ka digay wax kasta oo keeni kara qalalaase.
Sheekh Axmed Shaakir ayaa ciidamada qalabka sida iyo dowladda federaalka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga iyo shacabka, gaar ahaan xilli ay bulshada qaybaheeda kala duwan muujinayaan rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.
Waxa uu sheegay in xisbigiisu muddo siddeed bilood ah u taagnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan mabaadi’da iyo habraacyada doorashada, isagoo ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Sare mid xaqiijinaya dadaalkooda.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.








