Home Wararka Maanta Rag Ka Tirsan Alshabaab oo Doonaayay inay dilaan Qof Masuul ah oo...

Rag Ka Tirsan Alshabaab oo Doonaayay inay dilaan Qof Masuul ah oo Ayagii La Dilay midna Nolosha Lagu qabtay(Sawiro)

0

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Alshabaab ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Labadaan nin ayaa La sheegay inay Dili Rabeen Qof Masuul ah ku Jiray Masaajid ku Yaala Dharkeenleey Balse ay Fooda isdareen Ciidamo ka Tirsan Dharcada NISA kuwaas oo dilay Mid kalana Asagoo Dhaawac ah Nolosha Ku Qabtay

Previous articleKenya iyo Soomaaliya oo Maantay kala Saxiixanaaya Heshiis Soomaali Badan Farax Galin doona
Next article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here