Home Wararka Maanta Rag Khiyaano Cajiib ah Ku Sameeyey Gobalka Banaadir oo lasoo Qabtay

Rag Khiyaano Cajiib ah Ku Sameeyey Gobalka Banaadir oo lasoo Qabtay

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen waaxda 2-aad ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxay ku soo qabteen 5 eedeysane oo ku guda jirey buufinta mootooyin si sharci darro ah loogu qoraayey caalamadda lagu kala aqoonsado ee A iyo B.

Sidoo kale ciidanka ayaa albaabada isugu dhuftay Garaash lagu buufi jiray Mooto Bajaaj-ta.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ragga furtay Garaashka ay sharciga baal-mareen, Milkiilihii Garaashka ayaa ka mid ah 5-ta eedeysane ee lasoo xiray.

Qoraalka Booliska waxaa lagu xusay magacyada ragga lasoo qabtay waxayna kala yihiin:

1. Maxamed Xasan oo 50 jir ah
2. Max’ed-deeq Axmad Cabdi oo 23 jir ah
3. Cabdiqani Maxamed Xasan oo 28 jir ah
4. Xuseen Deeq Maxamed 17 jir ah
5. iyo Ibraahin C/QaadirMaxamed 24 jir ah.

Raggaan ayaa kala wareejiya Taargada Mooto Bajaaj-ta ayagoo 1 taargo u isticmaala dhowr Mooto Bajaaj, waxaana goobtaas laga soo helay taargooyin tiro badan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska Soomaaliya.

Sida ay cadeeyeen ragga lasoo qabtay shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah, waxayna mootooyinka u kala wareeji jireen calaamadaha Dowlada Hoose ee Xamar, iyagoo adeegsanaya nidaam xatooyo ah, sida lagu sheegay qoraalka booliska.

“Ragga lasoo qabtay wali waxaa ku socdabaaris marka ay soo idlaatana waxaa la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ka soo baxay taliska qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Mootooyinka ka howlgala Muqdisho ayaa u kala qeybsan labo, waxaana ku kala buufsan A iyo B, iyadoo lambar kasta uu shaqeyso hal maalin, waxaana sharciga lagu buufinayo sameystay maamulka gobolka Banaadir, balse hadda ragaan ayaa dhinac maray oo sameystay nidaam loo ekeysiiyey kan dowladda hoose ee Xamar.

Previous articlePUTIN oo digniin culus soo saaray xilli uu heegan geliyay ciidamada Nukliyeerka
Next articleUK oo sheegtay in aysan Israa’iil ku taageeri doonin haddii ay qaaddo tallaabo ay uga digtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here