Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson (oo ka tirsan Xisbiga M), ayaa sheegay in dowladda Iswiidhan ay qorsheyneyso in ay adkeyso shuruudaha lagu helo jinsiyadda, si loo kordhiyo qiimaha iyo macnaha muwaadinnimada Iswiidhan.
Kristersson ayaa sheegay in shuruudaha cusub ay ka mid noqon doonaan: barashada iyo ku hadalka af-Iswiidhishka, aqoonta ku saabsan bulshada Iswiidhan, awoodda qofka uu isku filnaado dhaqaale ahaan, iyo in uusan lahayn taariikh dambiyeed.
Isagoo muuqaal ku baahiyay baraha bulshada, ayuu ra’iisul wasaaruhu ku tilmaamay “wax aan macquul ahayn” in hore jinsiyad loo siiyo dad aan xitaa hal eray ka aqoon af-Iswiidhishka, taas oo uu sheegay inay sababtay baahida loo qabo isbeddelka cusub ee sharciga.
Wuxuu intaas ku daray in jinsiyaddu tahay arrin muhiim ah oo aan la bixin karin si sahlan, balse ay tahay in lagu kasbado rabitaan dhab ah oo ah in qofku si run ah uga mid noqdo bulshada Iswiidhan.
Qorshahan cusub ayaa yimid kaddib markii xukuumadda Iswiidhan ay soo bandhigtay soo jeedin lagu adkeynayo shuruudaha lagu helo jinsiyadda dalka.








