Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed kasoo baxay safarkiisii uu ku tegay deegaanka SSC-Khaatumo.
Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulkiisa, ayaa maxaabiistan ku wareejiyay Dowladda Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in maxaabiistu yihiin kuwo duruufo gaar ah ku sugan, si loogu celiyo ehelkoodii.
Dowladda Federaalku waxay meesha ka saartay in degaanada SSC Khaatumo ay yihiin deegaano lagu muransan yahay. Sidaa darteed, waxay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn, iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqday inay si caadi ah uga howlgalaan degaanada SSC-Khaatumo.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in si wadajir ah looga shaqeeyo dib-u-habeynta iyo horumarinta ciidamada SSC-Khaatumo, si loo waafajiyo hanaanka amniga qaranka ee Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxay isku raaceen in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka deegaanka.

