Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Xamse oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Xilal Cusub

Raisal Wasaare Xamse oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Xilal Cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Sida muuqata waxay raggan cusub bedelayaan agaasimeyaashii hore ee afartaas wasaaradood oo hadda xilalkooda waayey, lamana sheegin sababta keentay isbedelkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here