Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrin xasaasi ah oo la xiriirta xildhibaannada deegaankaasi.
Xamza ayaa shaaca ka qaaday in handadaad lagu hayo xildhibaannada ka soo jeeda Jubbaland, isla markaana lagu qasbo inay fawdo ka sameeyaan magaalada Muqdisho, si ay markaas u fuliyaan dano gaar ah oo gurracan, sida uu hadalka u dhigay.
“Xildhibaannada ma ahan in la handado oo lagu dhaho haddii aadan wax qasin meeshan kuma soo noqonaysid. Ma aha wax sax ah in dadkii deegaanka la cabsiiyo oo la yiraahdo ‘Xamar ha isku marina, waa la idin wada xirxirayaa’,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay inuu ogyahay xildhibaanno badan oo la cadaadinayo, bistooladna lagu hayo, taas oo uu ku tilmaamay arrin halis leh.
“Waa arrin jirta, waana mushkilad ay in badan qarsanayeen, balse anigu waan ogahay. Waxaan rajeynayaa in caga-jugleynta laga daayo xildhibaannada sharafta leh. Ma mudna in sidaas loola dhaqmo, mana mudna in dhafoorka bistoolad looga hayo,” ayuu raaciyay.
Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xayiraadda saaran Jubbaland, wuxuuna tilmaamay in kaliya la raadinayo Axmed Madoobe, balse shacabka iyo madaxda kale aan wax dambi ah loo haynin, ayna si caadi ah uga soo degi karaan Muqdisho, marka ay u safrayaan dalka dibaddiisa.
“Qofka sidaa lihi haddii dambi gaar ah loo haysto, dee shacabka iyo kuwa nidaamka kula jiro mushkilad ma haysato, cid kale oo la haystana ma jirto. In la yiraahdo ‘sidaan ahay ila ahow’ waa madax-furasho lagu haysto dadka,” ayuu mar kale yiri.