Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Recep Tayyip Erdogan oo Kusoo Wajahan Muqdisho Kadib Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Recep Tayyip Erdogan oo Kusoo Wajahan Muqdisho Kadib Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraanta sanadka cusub ee 2025 booqasho ku tegi doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Erdogan ayaa sidoo kale booqan doona magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, kadib markii uu dhawaan dhex-dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii xooganeyd ee labada dal u dhaxeysay.

“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya ee sanadka cusub ee 2025” ayuu Erdogan ku shaaciyay dhambaal uu kaga hadlay heshiiskii dhawaan Ankara ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay labada dowladood muddo sannad ku dhow kadib wada-hadalo saacado qaatay oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Erdogan, oo isagu heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Khilaafka labadaan dal ayaa waxa uu bilaabmay bishii koowaad ee sanadkaan kadib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho dhul xeebeed iyo saldhig ciidan, taasi oo si adag ugu hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii uu labada dal isugu soo jiidi lahaa, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeyay oo markaas gaaray meel sare, ayadoo ugu dambeyntii uu 11-kii bishaan ku guuleystay in heshiis gaaran dhinacyada