Home Wararka Caalamka Ruushka oo Ukraine ku Duqeeyay Diyaaradiisa dayuurada TU-95′ khasaaro ka dhashay

Ruushka oo Ukraine ku Duqeeyay Diyaaradiisa dayuurada TU-95′ khasaaro ka dhashay

0

Ruushka ayaa maanta ku weerarray Ukraine gantaalladiisa ay riddo diyaaradda TU-95 , iyagoo gantaallada ay ku dhaceen caasimada Kyiv illaa galbeedka Ukraine ee ku dhow xadka Poland.

Muuqaallo la baahiyay ayaa la arkayay Kyiv oo ay dadku galayaan waddooyinka dhulka hoostiisa ku yaalla ee tareennada, wali si faahfaahsan looma soo bandhigin khasaaraha uu weerarkan geystay.

Ruushka ayaa muddooyinkan isha lagu hayay tallaabada weerar ee uu qaadi karo, kaddib markii ciidanka Ukraine ay dhulka Ruushka gudaha u soo galeen, iyagoo sidoo kale weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la gaaray Moscow.

Dhinaca kale, Dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa ku qarxay gudaha dhulka Poland, tan oo ka dhigan hubka Ruushka inay gaareen dhulka NATO.

Poland ayaa ku dhawaaqday, inay baarayso diyaaradda Ruushka ee gudaha dhulkooda ku qaraxday.

Ruushka ayaa in ka badan 100 gantaal iyo ku dhawaad ​​100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn saaka ku weerarraday Ukraine   iyadoo weerarka lagu beegsaday dhammaan xarumaha tamarta ee Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here