Home Wararka Maanta Senator Maryan: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ugu baaqayaa...

Senator Maryan: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ugu baaqayaa inay qubuuraha Eebe dartiisa ugu xishoodaan

0

Senator Maryan: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ugu baaqayaa inay qubuuraha Eebe dartiisa ugu xishoodaan, oo ay joojiyaan boobka lagu hayo dhulalka Danta Guud ee Qaranka, illaa laga helayo Shuruucdii Dhulka Dowladda lagu hagilahaa!

Akhri qoraalka Senator Maryan Faarax:

SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA

Sidaan horey uga digay,boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.

Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran,Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!

Sidaa si lamida,waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

Previous articleDowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed
Next articleGanacsade Jabuutawi oo Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo lagula Dagalaamaayo Soomaaliland(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here