Home Wararka Maanta Shirweynaha Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu soo xiray Magaalada Muqdisho

Shirweynaha Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu soo xiray Magaalada Muqdisho

0

Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada,oo ka socday magaalada Muqdisho ayna ka soo qeybgaleen culuumaa’udiin dalka iyo dibbada ka kala yimid ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay gunaanadkii shirweynaha ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

“Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”.

Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here