Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo ka hadlay Dagaalkii 77 isagoo ku sugan Jigjiga

Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo ka hadlay Dagaalkii 77 isagoo ku sugan Jigjiga

0

Taliyaha Guud ee ciidamada xoogga Itoobiya Birhanu Jula ayaa sheegay in Taliska Bari ee degaanka Soomaalida uu yahay talis si geesinnimo leh uga soo baxay waajibaadkooda shaqo ee deegaannada bariga iyo guud ahaan dalka.

Birhanu Jula ayaa ku celceliyay in ciidamada saldhiggan ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray ciidamadii waday is-ballaarinta oo sida muuqata uu ula jeeday ciidanka milateriga dowladii Siyaad Barre.

Hadalkan ayuu taliyaha Taliyaha Guud ee ciidamada xoogga Itoobiya Birhanu Jula ka jeediyey magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida oo maanta uu booqasho ku tagay.

Field Marshal Birhanu Jhula, oo tilmaamay in is-ballaarintu ay tahay maskax sun ah oo horseedaysa dagaal, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in taariikhda laga barto in dagaalku uu baabi’iyo dadka iyo dhaqaalaha.

Berhanu Jula ayaa sheegay in Soomaaliya u burburtay dagaalkii 1977-dii dhexmaray iyada iyo Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dawlado ajnabi ah xiligaas ay Soomaaliya dagaalka galiyeen oo aysan ka dibna waxba u tarin.

Taliska ciidanka Itoobiya ee aagga Barri, waxaa loo sameeyey ayuu yiri inay burburiyaan damacii dhul-balaarsi ee Siyaad Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here