Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Azerbaijan Airlines ay ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan.
Diyaarada oo ay la socdeen 62 rakaab ah iyo 5 shaqaale ah ayaa burburtay Arbacadii kadib markii lagu qasbay inay si deg deg ah u degto meel 3 kiilo mitir u jirta Aktau.
“Xaaladdu aad uma fiicna, 38 ayaa dhintay,” wakaaladda wararka ee Ruushka Interfax ayaa ka soo xigatay ra’iisul wasaare ku xigeenka Kazakhstan Kanat Bozumbayev.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa ka soo duushay caasimada Asarbayjaan ee Baku kuna wajahneyd magaalada Grozny ee dalka Ruushka ee ku taal Waqooyiga Caucasus.