Home Wararka Maanta UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro...

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

0

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF).

UK ayaa ku dhawaaqday in ay ku kordhisay $3.9 milyan oo taageere dhaqaale ah oo lagu hagaajinayo Sanduuqa taageerada Soomaaliya SSF oo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Sanduuqan, oo uu gacanta ku hayo xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa taageero u fidiya 18,900 oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska Soomaaliyeed.

Sanadkii 2024 oo keliya, dhaqaalaha UK ayaa suurta geliyay in UNSOS ay gaarsiiso Ciidamada Amniga Soomaaliya 6,000 tan oo ah raashin ciidan iyo 2,000 tan oo shidaal naafto ah, iyo sidoo kale daryeelka degdega ah ee dhaawacyada boqolaal askari.

UNSOS ayaa u baahan ugu yaraan $2 milyan bil walba si ay u taageerto kordhinta qorsheysan ee tirada Ciidamada Amniga Soomaaliya oo la gaarsiinayo illaa 20,900 askari, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2767 (2024).

Danjiraha UK ee Soomaaliya ee xilka ka degaya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay in taageeradan ay muujinayso in UK ay tahay saaxiib dhab ah oo Soomaaliya ah.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si loogu guuleysto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata. Waxaan ku dhiirigelinayaa saaxiibada kale inay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS, si ay u taageeraan geesiyaasha Ciidamada Amniga Soomaaliyeed si ay mustaqbal amni leh ugu suura geliyaan dadka Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Nithavrianakis.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa isna muujiyay muhiimadda uu sanduuqan leeyahay iyo sida ay dowladdu uga go’an tahay in ay si mas’uuliyad leh u maamusho.

Si kastaba ha ahaatee, Sannadkii hore, dawladda Maraykanka ayaa jartay raashiinkii iyo taageeradii shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Danab ee caanka ah ka dib markii Washington ay ogaatay in sahaydii la lunsaday.