Home Wararka Maanta Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Filippo Grandi iyo Xubno la...

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Filippo Grandi iyo Xubno la socday Saakay Muqdisho soo Gaaray (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

Previous articleMilateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax iyo layaab leh & Mareykanka oo si adag uga Hadlay (Sawirro)
Next articleDagaal Ka Dhacay Degmada Saaxo iyo Dad ku Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here