Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed War Deg Deg ah: Dagaal Qaraar oo ka socda Magaala Xeebeedka Baraawe

War Deg Deg ah: Dagaal Qaraar oo ka socda Magaala Xeebeedka Baraawe

0

Dagaal culus oo haatan ka socda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan socdo ku dhawaad 30 daqiiqo oo xariir ah, islamarkaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dagaalkaan uu ka dhex qarxo ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo wali ka socda gudaha magaaladaaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan

Previous articleAmarkii Ay soo saartay Dowlada Soomaaliya ee ku Wajahnaa Itoobiya oo aan wali Shaqayn
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Sabab yaab leh ku Bilowday oo Ka Dhacay Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here