Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Weeraro Gantaalo ah oo ku socda Israel

War Deg Deg Ah: Weeraro Gantaalo ah oo ku socda Israel

0

Xisbullah ayaa caawa 60 gantaal ka badan ku weerartay galbeedka gobolka ay Israa’iil heysato ee Galilee sida ay tebinayaan warbaahinta caalamka qaarkood

Ilaa hadda kaliya 15 gantaal oo ay qabteen nidaamka difaaca Israa’iil ayaa lagu sheegay warbixino ay sii daayeen warbaahinta Israa’iil,

Xisbullah ayaa sheegtay tobannaan gantaal inay ku weerartay bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato, ma jiro faahfaahin kale ee laga helay weerarkan oo weli socda.

Hogaamiyaha Xisbullaahi, Xasan Nasrallah ayaa saacado ka hor sheegay inay Marxalad cusub galeen kooxaha Iiraan taageerto kadib weeraradii looga dilay taliye sare oo ka dhacay Beirut.

Xasan Nasrallah ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay qadka cas ayna ka dhaxli doonto musiibo daran dhamaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaaday.

“Israa’iiliyiintu ma garanayaan khadadka cas ee ay ka gudbeen, waa inay sugaan aargoosi iyo iney ka qoomameeyaan falalka ay ku kaceen” ayuu yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here