Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Iran oo Weerar Gantaalo ah ku qaaday Dalka...

War Deg Deg Ah: Iran oo Weerar Gantaalo ah ku qaaday Dalka Israel

0

Iran ayaa qaaday caawa weerar culus oo loo adeegsanayo gantaalada ridada dheer iyo dayuuradaha aan cidi wadin ee isqarxiya

Nidaamka digniinta ee ka diga weerarrada ayaa laga  shiday Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato, iyadoo dadka looga digayo iney galaan meelaha gabaadka ah.

Mareykanka ayaa ku wargeliyay Israa’iil weeerarkan, kaddib dhaqdhaqaaq xoog leh oo laga arkay dhinaca Iran.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarka Iran ee ka dhanka ah Israa’iil ay ku lug yeelan leeyihiin boqollaal gantaallada riddada dheer ah iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa Cruise-ka, iyadoo bartilmaameedyada ay beegsan karto Iran lagu sheegay xarumaha militariga iyo sirdoonka Israa’iil , kuwaasoo inta badan ku yaalla magaalada Tel Aviv,sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si dhaqso ah Israa’iil oo u muuqata inay si dhab ah u qaadatay digniinta uu soo gaarsiiyay Mareykanka, ayaa qaaday tallaabooyin lagu sheegay in badqabka lagu xoojinayo, kaddib markii taliska dhexe ee ciidanka Israa’iil ay soo saareen xayiraad la saaray magaalada Tel Aviv iyo bartamaha dhulka ay Israa’iil heysato, halkaasoo lagu wargeliyay dadka deggan inaysan ka soo bixin goobaha gabaadka ah ee dhulka hoostiisa ku yaalla, iyadoo dhinaca warbaahinta Israa’iil ay ku warramayso in Netanyahu iyo xubnaha sare ee Israa’iil oo ay ku jiraan Wasiirka difaaca, taliyayaasha ciidanka , sirdoonka iyo saraakiil kale ay ku sugan yihiin dhisme dhulka hoostiisa ah oo ka tirsan xarunta wasaaradda difaaca, halkaasoo ay ka soo baxayaan amarrada iyo ka hortagga gantaalada Iran oo aan weli gaarin dhulka Israel.

Netanyahu ayaa halay farriin gaar ah oo muuqaal ah oo xafiiskiisa laga sii daayay kula hadlaya dadka Iran, wuxuu sheegay inay bixin doonaan jawaab adag , weerar kasta oo maamulkooda uga yimaada, wuxuu ku ammaanay inay yihiin faarisiin taariikh ku leh dunidda, wax dhibaato ah inay gaarsiiyaanna aysan dooneyn, balse ay si adag ula dagaali doonaan ficillada maamulkooda oo uu ku eedeyay in dhaqaalaha dadweynaha ay ku maalgelinayaan kooxaha hubaysan ee gobolka.

Netanyahu ayaa la sheegay inuu qorsheynayo haddii weerarro ay soo qaado Iran inuu beegsan doono xarumaha nukliyeerka iyo gantaallada ee Iran, taa oo khasaare weyn ku noqon karta dhinaca Tehran, iyadoo xilligan ay soo baxayso in weerarka Iran uu ka weynyahay midkii ay Israa’iil ku qaaday bishii April, sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka ee la hadlay Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here