Home Wararka Caalamka Wararkii ugu danbeeyay dabkii ka holcayay Magaalada Los Angeles ee Dalka Mareykanka

Wararkii ugu danbeeyay dabkii ka holcayay Magaalada Los Angeles ee Dalka Mareykanka

0

Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles ee gobolka California, iyadoo sare loo qaaday kooxaha dab-damiska iyo gurmadka deg deg ah, sabab la xiriirta cabsi laga qabo dabaylo horleh oo ku dhufan kara Los Angeles.

Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeyb qaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya.

khasaaraha la soo gudbiyay illaa hadda ayaa kala ah

  • 16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay.
  • In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay.
  • In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay.
  • Ku dhawaad ​​38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay
  • Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan

Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen.  Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta shirkadu qaadi karto

Bankiga maalgelinta ee  JP Morgan, wuxuu xaqiijiyay shirkadaha caymisku inay kaliya awoodaan  inay daboolaan ugu badnaan $20 bilyan oo magdhow ah , ha iloobin khasaaraha wuxuu ku dhawaan karaa labo boqol oo bilyan! Xaaladdu waa in dadka ay guryaha ka burbureen ay dhab ahaantii tahay inay iyagu is bixiyaan oo guryahooda dib u dhistaan ama ku jiraan xaaladda barakaca ah..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here