Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyay Wadahadalo Turkiga uga socda Dowlada Somaliya iyo Itobiya

Wararkii ugu danbeeyay Wadahadalo Turkiga uga socda Dowlada Somaliya iyo Itobiya

0

Wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka socda Turkiga ayaa meel adag maraya, iyadoo la isku mari la’yahay qodobada qaar sida dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo MOU-gii lala galay Somaliland, halka Itoobiya ay dooneyso in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-ga iyo waxa loogu bedelayo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinaya farriimaha, ma jirto wada hadalo fool ka fool ah oo Illaa hadda labada dhinac dhexmaray sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wada xaajoodka ayaa saacado badan qaatay, walina wax is afgarad lama gaarin, Turkiduna waxay ku dadaalayaan in is-faham guud uu kala dhex dhigo labada dhinac oo heshiis lagu yahay.

Turkiga ayaa ku howlan sidii meelmar looga dhigi lahaa Is afgarad ay gaaran dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana ilaa hadda socda dadaal xoog leh oo wada hadalada la doonayo in ay guul keenan.

Luuqada iyo erayada la adeegsanayo ayaa kamid ah waxyaabaha adag waqtigan. Turkigu, waxay soo bandhigeen 3 aragti oo kale duwan, mid ka mid ah waa inay ayagu dhisaan deked laga hirgaliyo gobolada dhexe ama Badweynta Hindiya, oo ka dibna ay isticmaasho Itoobiya, qiimaha ay ku isticmaalayso uu la mid yahay kan Jabuuti, lahaanshiyana ay leedahay Soomaaliya, Canshuurta ay qaado DFS, adeegga (Service), kana ay yeelato dawladda Turkiga.

Qodobkan ayaa la doonayaa in lagu saleeyo  heshiis is faham oo ay horey u gaareen RW Abiy Ahmed iyo Madaxweynihii hore Farmaajo oo ahaa in afar Dekedood ay maalgashanayaan Itoobiya, kaddib booqashadii Abiy Ahmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018.

Sida ay tabinayso wakaalada wararka ee Turkiga ANADOLU, wada hadalka Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya ayaa qaadan kara waqti dheer.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland 1-dii Janaayo. Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here