Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wararkii Ugu Danbeeyey Buurhakaba oo Dagal Culus ka Dhacay yuu u Dhaxeeyaaa?

Wararkii Ugu Danbeeyey Buurhakaba oo Dagal Culus ka Dhacay yuu u Dhaxeeyaaa?

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal maanta dib uga qarxay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnayd xiisad xoogan oo saameyn ku yeelatay dhaqaaqa guud ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo wariyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay qaybo kamid ah magaalada, kuwaas oo saaka isku dhacay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintauy ugu yaraan hal qof oo ahayd haweeneyd kamid ah dadka deegaanka, waxaana dhaawacyo soo gaareen dad kale.

Ma cadda sababta dhalisay dagaalka dhex maray maleeshiyaadkan oo horay sidaan oo kale ugu dagaalamay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro hadal kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi, basle waxaa bilowday dagaallo lagu qaboojinayo xiisaddaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku sugan magaalada, kuwaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku kala qaadaan maleeshiyaadka diriray.

Magaalooyin badan oo dhaca Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisado dagaal, waxaana kamid ah Wanlawalweyn oo ay maanta ku dagaalameen maleeshiyaad beeleed, waxaana ka horreeyay dagaal kale oo isna shalay ka dhacay magaalo xeebeedka Baraawe.

Previous articleDiyaarad alshabaab lahaayeen oo Dhuusamareeb lagu Qabtay
Next articleFaahfaahin Iiraan oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here