Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciyaal weeradii Muqdisho oo mar kale soo rogaal celiyay,...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciyaal weeradii Muqdisho oo mar kale soo rogaal celiyay, kadibna gaysta …

0

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah.

Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu xalay ka gaysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.

Weerar ay qaadeen ciyaal weerada ayaa waxaa lagu beegsaday shacab ku sugnaa waaxda 5-aad ee Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Al-Biri, waxayna gaysteen dil iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadee ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmeen mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo xilkas ah.

Kooxda falka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Din usoo laabashada ciyaal weerada ayaa ah xaalad adag oo soo korortay, isla markaana dhibaato ku ah reer Muqdisho, waxaase laga war sugayaan tallaabada xigta ee dowladda.

Horay ciidamada ammaanka ayaa ugu guuleystay inay Muqdisho ka sifeeyaan kooxaha ciyaal weerada oo dhibaato xoogleh ka gaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Previous articleXukuumadda Somaliland oo si adag uga jawaabtay bayaan kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7
Next articleMuxuu Yahay Khilaafkaan Cusub ee ka Dhex Qarxay xasan shiikh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here