Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xog Xaasi ah oo ku Saabsan Agasimayaashi lagu...

Wararkii Ugu Danbeeyey Xog Xaasi ah oo ku Saabsan Agasimayaashi lagu Edeeyey Musuqmaasuqa

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay kiiska musuq maasuqii loo heystay agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, waxaana maxkamadda laga hor sheegay in wax dembi ah lagu waayey agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris Saabey.

Qareenada difaacaya agaasimayaasha loo heysto musuqa ayaa maxkamadda ka hor sheegay in fadhigaan iyo kuwii ka horeeyaba ay xafiisyada xeer ilaalinta iyo hantidhowrka keeni waayeen wax cadeyn ah, isla markaana qurshuhu ahaa in sumcad dil lagu sameeyo masuuliyiintaas.

Maanta, masuul ka socda xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka, sidoo kalena metelayey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in wax cadeyn ah oo muujinaya in Agaasimhii canshuuraha beriga Muxudiin Saabey uu xaday xoolo dadweyne ay waayeen.

Wuxuu sheegay inay baareen dhamaan boonooyinkii iyo cadeymihii xafiiskiisa, isla markaana ay waayeen wax raad ah oo muujinaya in Muxudiin Saabey uu xaday xoolo dadweyne.

Sidoo kale sarkaalka ka socday Hantidhowr ayaa sheegay in Saabey Akoonkiisa gaarka ah lacagtii ugu badneed ee martay ay aheyd lix kun, isla markaana ay hadda ku heystaan oo kaliya dayacaad masuuliyadiisa ah, maadaama rag isaga ka hooseeyey oo ka shaqeynayey waaxdaas loo maleynayo inay lacago lunsadeen.

Sidoo kale waxaa maxkamadda ka hor hadlay qareenadii difaacayey Saabey iyo agaasimayaasha kale, iyagoo sheegay in qorshaha socda uu ahaa kaliya in la sumcad dilo masuuliyiintaas, isla markaana labada xafiis ee Hantidhowrka iyo Xeer ilaalinta ay ku guul dareysteen inay cadeymo ku eenaan eedeymihii cuslaa ee masuuliyiintaas ay kala dul-dhaceen.

Muxudiin Saabey waxaa xafiiskiisa laga soo helay abaal-marino iyo shahaadooyin ay guddoonsiiyeen masuuliyiinta dowladda, kuwaas oo shaqadii adkeed ee aruurunta daqliga dowladda u uku muteystay, maadaama uu ka soo bilaabay meel eber ah.

Xafiiska uu aas-aasay Muxudiin Saabey 10 sano ka hor, isla markaana laga eryaday sanadkii hore waxaa la sheegay in hadda uu soo xareeyo lacag u dhaxeysa 14 ilaa 15 kun oo dollar, halka isagiina loogu abaal-guday eedeymo musuq maasuq oo hadda u muuqda kuwo ku soo dhamaaday been abuur iyo qorshe Sharaf dil ah.

Dowladda federaalka, gaar ahaan xafiisyada xeer ilaalinta iyo hantidhowrka ayaa soo jeedinaya eedeymahaan, kuwaas oo sheegay inay sameeyeen baaritaano culus, dhamaan agaasimayaasha eedeysan ayaa hadda dalka ka maqan, balse cadwadooda ayaa ka furan maxkamadda gobolka Banaadir.

Previous articleDil aad looga Naxay oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
Next articleMuxuu ahaa Hadalka uu Sheegaya Sarkaalkaan ee Qabsaday Baraha Bulshada kadibna loo Xiray?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here