Home Wararka Maanta Weerar ay Isreal ku qaaday Waqooyiga Gaza oo 11 Qof ku dhinteen

Weerar ay Isreal ku qaaday Waqooyiga Gaza oo 11 Qof ku dhinteen

0

Ugu yaraan kow iyo toban qof ayaa dhintay kadib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

Shalay, ku dhawaad ​​labaatan qof ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay Khan Yuunis iyo Dayr al-Balah oo ku yaala koonfurta marinka Gaza. ‘

Sida laga soo xigtay TT, weeraradii Arbacadii ayaa lagu qaaday Dayr al-Balah oo ku taal aag ay milatariga Israel ku booriyeen Falastiiniyiinta inay ka guuraan.

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Israa’iil weerarada ay ku qaadeyso goobaha ay ku badanyihiin dadka shacabka inkastoo Israel ay wado Duqeymaha aan kala joogsiga aleyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here