Xaaska fanaanka Dayax Dalnuur Farxiya Cabdirixiim ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen eheladeedi, marxuumada ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ku xanuunsanaysay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.
Maalmihii ay ku jirta isbitaalka fanaanka ayaa barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in xaaskiisa loosoo duceeyo oo xanuunsanaysay balse ugu dambeyn maanta ayay Geeriyootay.
Qaar kamid ah ehelada Farxiya ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta Khamiista oo Berrito ah marxuumadda lagu aasi doono Qabuuraha Isbitaal Madina.
Madax hore usoo martay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad, Siyaasiyiin, fanaaniin, bahda caanka ka ah baraha Bulshada ayaa intaba uga tacsiyadeeyay fanaan Dayax Dalnuurshe iyo qoyskii ay ka baxdayba marxuumad Farxiya oo ifka uga tagtay Hal Gabar oo ay fanaanka u dhashay.
Wadajirkoodi iyo yagleelidii Qoyskaan ee Dayax iyo Farxiyo dhowr jeer ay ka sheekeysay waxa ay tilmaamtay in daruufo adag ay nolosha soo mareen markii dambese ay uga baxeen kalsooni, kalgaceyl, samir iyo isku duubni.
Farxiya oo ahayd qof dhalinyaro firfircoon ayaa si weyn looga yaqaanay bulshada dhexdeeda, waxaana geerideeda kadiska ah si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, halkaas oo dadka ay tacsi iyo duco ugu dirayaan.