Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula jiro kooxda Al shabaab.
Isbitaaladaan oo lagu baxanaaninayo ciidamadaan soo dhaawacmay ayuu Ra’iisul Wasaaraha mid mid u booqday, una kor istaagay isagoo ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, waxaane Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamadaan u adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Al shabaab iyo Daacish.
“Waxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xamse, ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.