Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Hadii Ciidan Masari ah ay joogaan...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Hadii Ciidan Masari ah ay joogaan Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya iyo heshiiska Masar la gashay Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaana si gaar ah uga hadlay taageerada milatari ee dowladda Masar xilligan siineyso Soomaaliya, isagoona xusay in Masar kasoo jawaabtay codsi dowladda horey u dortay oo ahaa in laga taageero dagaalka ay kula jirto argagaxisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana beeniyay warar sheegayay in ciidamo ka socda dalka Masar hadda joogaan gudaha Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay Madaxweynaha in Masar hadda ka taageereyso tababarka ciidanka Soomaaliya iyo qalabeyntiisa.

” Dowladad Masar waxa ay naga taageereysaa in ay ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay, mana jiraan hadda wax askar Masaari oo xilligan dalka ku sugan ” ayuu yiri Madaxwene Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaana hadalkiisa intaa raaciyay”Waxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan ​​dagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray agabka iyo qalabka aan u baahnnahay”

Hesiiska dowladda Soomaaliya la gashay dalka Masar ayaa dareen cabsi badan ku beeray dowladda Itoobiya oo khilaaf siyaasadeed xilligan kala dhaxeeyo Xukuumadda Qaahir, waxa ayna Itoobia ka wel welsan tahay in ciidamo Masaari ah Soomaaliya la keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here